Al Shabaab oo la wareegay Dekaddii hore (old port) ee magaalada Muqdisho iyo Dagaalo Culus oo galabta dhacay
Posted by badarone on July 26 2010 23:47:02
Faah Faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta Gelinkii hore ka dhacay deegaanno katirsan magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay xoogaga Islaamiyiinta ah iyo ciidanka AMISOM.
Extended News
Faah Faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta Gelinkii hore ka dhacay deegaanno katirsan magaalada Muqdisho kuwaasi oo u dhexeeyay xoogaga Islaamiyiinta ah iyo ciidanka AMISOM.
Dagaalka xoogiisa wuxuu tira laba jeer ah gabal dhicii maanta ka dhacay degmooyinka C/Caziiz iyo Shangaani ee magaalada Muqdisho, dagaalada mid kamida waxaa qaaday cutubyo katirsan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.
Ciidanka Burundi waxay wateen ilaa iyo Sedax taangi iyo 4 Taaw dhamaantoodna waxay galeen dagaal faraha looga gubtay oo ay isaga horyimideen iyaga iyo ciidanka Shabaabul Mujaahidiin.
Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay agagaarka Hotelka Jubba gaar ahaan inta u dhexaysa Jubba iyo Gurigii Nabad sugidda oo ay labada dhinac isku hor fadhiyeen, goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in gaari Taaw ah lagu gubay dagaalkii galabta waloow aan saxaafadda loosoo bandhigin gubashada gaariga Taawga ah.
Waxaa jiray khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray ciidanka AMISOM iyo kuwa Al Shabaab waxaana markii dambe dib u laabtay ciidankii AMISOM ee weeraraka ku qaaday Baar Viat iyo Guriga Marwo Khadiijo.
Saacad kadib markii uu dagaalkaasi soo gaba gaboobay ayay ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan xeebta Liido weerar ku qaadeen Saldhig Bari iyo Dekadda Duqda oo ay ku suganaayeen ciidanka Dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka Shabaab Sheekh C/caziiz Abuu Muscab oo Caawa saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay la wareegeen Saldhig Galbeed iyo Dekadda duqda oo aan sidaasi ukala fogayn.
Dowladda KMG ah iyo AMISOM weli kama hadlin dagaaladii maanta Muqdisho ka dhacay mana laga filayo in ay ka hadlaan oo maalmihii lasoo dhaafay ayay ka aamusnaayeen arrinkaasi.