Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Xukun Dhagax dil ah ku Riday Nin Fal Zino ah galay.
Posted by badarone on July 26 2010 23:43:07
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka qayb galay munaasabad xukun Dhagax dil ah lagu fulinayay oo ka dhacday Shabeelaha Hoose.
Extended News
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka qayb galay munaasabad xukun Dhagax dil ah lagu fulinayay oo ka dhacday Shabeelaha Hoose.

Munaasabad maanta ka dhacday degmada Tooratoorow gobalka Shabeelaha Hoose ayaa xukun Rajimi ah lagula fuliyay Nin kamid ahaa degmadaasi kadib markii lagu helay fal Zino ah.

C/qaadir Xuseen Ibraahim oo ahaa 25-sana Jir ku nool Tooratoorow ayaa dhagax lagu dilay kadib markii lagu cadeeyay in uu Kufsi kula kacay Gabar halkaasi ku sugneed.

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaami Sheekh Xasan Daahir Aweys oo munaasabadii Rajmiga ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu goob joog u noqdo meel lagu fulinayo xukun islaami ah.

"aad baan ugu faraxsanahay in aan goob joog ka noqdo fulinta xukun Islaami ah waana wax lagu amaani karo Mujaahidiinta Soomaaliya"ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dhawaan ku biiray Xarakada Al Shabaab ayaan weli saxaafadda u sheegin ku biiritaankiisa shabaab wuxuuna kusoo gaabsaday ka hadalka arrimaha quseeya xadadka ah islaamiga ah.

Waa Xukunkii 2-aad oo ay Xisbul Islaam ka sameeyaan gobalka Shabeelaha Hoose Al Shabaab ayaa sanadii 2008-da bartamaheedi Xukun dhagax dil ah ka fulisay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Allgedo Online