Dagaaladii Karin iyo Laag oo soo gaba gaboobay Ciidanka Puntland oo lagala wareegay deegaano Istiraatiiji ah (Warbixin).
Posted by badarone on July 26 2010 23:39:59
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta oo idil gobalada Bari iyo Sanaag ku dhaxmarayay ciidamo kala taabacsan Maamulka Puntland ee Faroole Hogaamiyo iyo xoogag deegaan ah oo diidan duulaanka Faroole halkaasi ku yahay.
Extended News
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta oo idil gobalada Bari iyo Sanaag ku dhaxmarayay ciidamo kala taabacsan Maamulka Puntland ee Faroole Hogaamiyo iyo xoogag deegaan ah oo diidan duulaanka Faroole halkaasi ku yahay.
Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Laag ayaa xaqiijinaya in dagaalkii soo gaba gaboobay islamarkaana khasaara xoogan soo kala gaaray dhinacyadii maanta halkaasi ku dagaalamay.
Khasaaraha dhimashada ayaa sii caga cagaynaya ilaa iyo 22 qof oo dhamaantood ahaa dhinacyadii dagaalamay, inta la ogyahay ciidanka Puntland waxaa dagaalkii maanta uga dhintay 11 Askari oo badankood ay dhaawac ahaan ugu dhinteen Isbitaalka magaalada Boosaaso balse waxaa jira ciidan kale oo iyagoo Maydad ah magaalada lakeenay.
Waxaa Jira khasaara soo gaaray dadka deegaanka Galgala oo weerarka kusoo qaaday Laag iyo Karin, ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in ciidamada Deegaanka ee uu Hogaamiyo sheekh Atam ay la wareegeen Xero ciidan oo ay PIS-ta Puntland ku lahayd Karin.
Inkastoo aysan xoogaga deegaanka ah wax war ah ka dhihin dagaalkii maanta hadane waxaa caawa socda dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Daraawiishta Puntland iyo kuwa PIS-ta loo yaqaan waxayna doonayaan in ay dib u qabsadaan deeganadii saaka lagala wareegay.
Idaacadda BBC-da ayaa baahisay in gaadiid dagaal laga qabsaday Ciidanka Faroole islamarkaana laga gubay gaadiid kale balse maamulka Puntland wuxuu yareeyay ka hadalka khasaaraha dhankooda soo gaaray.
Laag iyo Karin ayaa ku dhaw Boosaaso waana deegaan istiraatiiji ah hadii ay xoogaga Galgala kusii adkaystaan difaacashada deegaanadaasi ayay u suura gelinaysaa in ay difaacdaan magaalada Buurta leh ee Galgala.
Faroole iyo Maamulkiisa ayaa ku andacoonaya in ay baacsanayaan Kooxo Argagaxiso ah balse saxaafadda Soomaalida ayaan xaqiiji karin in halkaasi ay ku suganyihiin kooxo Shabaab taabacsan iyo in kale hadii ay ku suganyihiina ay yihiin dad deegaanka ah oo si difaacaya.
Ilaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Sheekh Atam iyo taageerayaashiisa oo lahaa Mas'uuliyadda dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay deegaanno ku dhaw magaalada Boosaaso ee gobalkaasi bari
Allgedo Online