Sarkaal katirsanaa Dowladda KMG ah oo Tababar kusoo qaatay Kenya ayaa iska dhiibay Gobalka Gedo.
Posted by badarone on July 26 2010 23:37:41
Maamulka Gobalka Gedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Sarlkaal la sheegay in uu katirsanaa Ciidankii Dowladda kMG ah ee loogusoo tababaray dalka Kenya.
Extended News
Maamulka Gobalka Gedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay Sarlkaal la sheegay in uu katirsanaa Ciidankii Dowladda kMG ah ee loogusoo tababaray dalka Kenya.

Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday magaalada Baardheere gobalka Gedo ayaa lagusoo bandhigay Karaar Axmed Guuleed oo katirsanaa saraakiishii Ciidanka Dowladda ee Tababarka kusoo qaatay deegaanka Seydelow ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobalka Gedo Sheekh Bishaar Aadan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in sarkaalkani uu maamulkooda iskusoo dhiibay iyana ay nabad gelyo siiyeen.

"Waxaa nalasoo xariiray Karaar Axmed Guuleed oo ahaa Sarkaal katirsan qolada cadawga ah ee nagasoo horjeedo wuxuu noo sheegay in uu dhibaata kalasoo kulmay ciidankii Kenya ee Tababarka soo siiyay sidaas darteed cafis ayaan u fidinay waa walaalkeen reer Gedo ah wuxuuna xor u yahay in uu qoyskiisa la noolaado"ayuu yiri Sheekh Bishaar.

Karaar Axmed Guuleed oo isna hadlay ayaa sheegay in dhibaato uu kalasoo kulmay saraakiisha Ciidanka Kenya ee tababarka soo siisay ciidanka dowlada wuxuuna carabaabay in uu si Nabad gelyo ah ula noolaa doono qoyskiisa oo degan gobalka Gedo.

Ilaa iyo Hadda wax war ah kamasoo bixin saraakiisha Dowladda Federaalka KMG ah oo ku aadan sarkaalkan la sheegay in uu ciidankooda katirsanaa ee iskusoo dhiibay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Xigasho: Allgedo Online