Duqeymo xoogan oo loo geysanayo Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Posted by badarone on July 25 2010 11:10:45
Wararka naga soo gaaraya Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya duqeymo xoogan in loo geysanayo xaafadaha dhanka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.
Extended News
Madaafiicdan oo ah kuwo xoogan oo ay ridayaan Ciidamada AMISOM ayaa waxaan la ogayn qasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku soo haray degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Degmada Boondheere oo ka mid ah degmooyinka dagaalada culus ka dhaceen labadii maalin la soo dhaafay waxaa saaka laga soo sheegayaa in ay ku dhacayaan madaafiic goos goos ah.
In kastoo madaafiicdaasi xalay iyo saaka lagu garaacay xaafadaha Degmooyinkaasi haddana saaka jawiga Magaalada waxay u muuqataa mid dagan oo ka jirto xasilooni aan cago badan lahayn.