Yusuf Indha Cadde oo Muqdisho yimid oo Dowladda KMG ah Cambaareeyay
Posted by badarone on July 25 2010 10:42:33
Wasiiru Dowlihii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga Dowlada KMG ah Yuusuf Indha cadde ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib muddo uu dibadda ku maqnaa.
Extended News
Wasiiru Dowlihii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga Dowlada KMG ah Yuusuf Indha cadde ayaa dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho kadib muddo uu dibadda ku maqnaa.

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Indha cadde ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wuxuuna in mudda ah ku maqnaa magaalada Kampala ee dalka Yugaandha.

Yuusuf Indha cadde oo shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dagaal lageli doono Itoobiya hadii ay isku daydo in ay soo gasho Somaliya.

"Itoobiya iyo ciidan shisheeye ma ogoli waxaana balan qaadayaa in ay dagaal lagalo Itoobiya hadii ay dalka kusoo laabato, balse waxaan ku baaqayaa in AMISOM dalka laga saaro soomaaliduna ay Heshiiso"ayuu yiri Indha Cadde.

Yuusuf Indha cadde wuxuu sheegay in uusan xil dambe ka qaba doonin xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid oo uu ku tilmaamay mid fadhiid ah oo aan guda karin wixii loosoo dhisay.

Warar kale ayaa sheegaya in Indha Cadde uu madax ka noqon doono xoogag hubaysan oo kasoo jeedo beelaha Muqdisho kuwaasi oo ka Barbar dagaalami doono dowladda KMG ah.

waxaana socda abaabullo xoogan oo ladoonayo in lagu maja xaabiyo xoogaga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maamulo inta badan Muqdisho iyo gobalada dalka