Gudoomiyihii Ururka Ahlusuna u qaabilsanaa Matabaan oo xilkii uu hayay Iska casilay
Posted by badarone on July 24 2010 04:58:13
Gudoomiyihii degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan uqaabilsanaa kooxda la baxday Ahlu suna ayaa iska casilay xilkii gudoomiye-nimo ee degmada matabaan.
Extended News
Gudoomiyihii degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan uqaabilsanaa kooxda la baxday Ahlu suna ayaa iska casilay xilkii gudoomiye-nimo ee degmada matabaan.

Faarax Carabay oo lasoo xiriiray saxafadda ayaa sheegay inuu ku wargelinayo guud ahaan shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in wixii maanta laga bilaabo uu kamid yahay shacabka caadiga ah ee kunool degmada matabaan.

“Waxaan weeye anigu waxaan ahaa degmada matabaan gudoomiyaheeda,waxaana go’daansaday inaan ka tanaasulo xilka gudoomiye-nimo Todobo bari markii aan tagay xilkaas ayaa dadku waxay igu yeerayaan gudoomiye,waxaan doonayaa inaan halkaan ka cadeeyo inaan degmada matabaan gudoomiye ka ahayn”.

Gudoomiyihii hore degmada Matabaan ee kooxda Ahl suna faarax carabeey wuxuu beeniyay in baqdin aawgeed uu xilkiisa isaga casilay,wuxuuna xusay in degmadaas uu isaga gudoomiye ka ahaa ka hor inta aysan imaanin kooxda la baxday Ahlu suna,hadana khiyaarkiisa uu ka arkay inuu xilkaas ka tago.

Is casilaadda gudoomiyihii hore ee degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xili ay sii kala fur furmayaan kooxda la baxday Ahl suna ee xasilooni darida ka wada qeybo ka tirsan gobolka galguduud,iyadoona dhoor maalmood magaalada Gaalkacyo uu iska dhiibay Taliyihii Maleeshiyada la baxday Alhu suna.