Musatafe Dhuxlow oo Niyad xumo ka muujiyay waxqabadka wadamada Africa ee Somaliya.
Posted by badarone on July 24 2010 04:50:56
Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah Xukuumada Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho
Extended News
ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey shirka Madaxda Afrika ay ku leeyihiin Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha iyo xaalada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay socdaan qorshayaal Amaanka Magaalada Muqdisho waxa uga qabanayaan, laakiin waxa uu rajo xumo ka muujiyey natiijada ka soo bixi kara shirka madaxda Afrika uga socda Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha.

“Umma malaynayo Shirka madaxda Afrika Kamapala uga socda inay ka soo baxayaan Natiijo wax tar u leh Dalka Soomaaliya laakiin dowladda KMG waxaa ka go’an sidii ay ummada Soomaaliyeed uga saari lahayd dhibka ay ku jiraan….” Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah Musatafe Dhuxulow oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay.

Si kasta oo ay ahaato rajo xumunada Wasiirka uu ka muujiyey shirka Midowga Afrika iyo amaan ku soo celida Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dagaalo culus ay ka socdaan Caasimada Magaalada Muqdisho