Ciidamada Itoobiya oo Dad ka qafaashay degmada Ceelbarde oo ay shalay xoog ku qabsadeen.
Posted by badarone on February 08 2010 03:48:42
shalay ayay aheyd kolkii dulaan aan ganbad laheyn markii ay ku soo qaadeen Maleeshiyaad soomaali ah oo salka ka riixayaan kuwa Tikreega ay soo gaareen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bakool oo kal hor xoog looga raacdeeyay.
Extended News
shalay ayay aheyd kolkii dulaan aan ganbad laheyn markii ay ku soo qaadeen Maleeshiyaad soomaali ah oo salka ka riixayaan kuwa Tikreega ay soo gaareen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Bakool oo kal hor xoog looga raacdeeyay.
ciidamada ayaa la shegeyaa in galinkii danbe ay dad halkaasi ka qabqabteen kuwaa oo ay markii danbe ay soo sii daayeen lama oga ilaa haatan ujeedka ka danbeeya imaanka ciidamada ay ku soo gaareen gobolkaasi.
dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xiisadaan dagaal ee laga dareemayo guud ahaan deegaanka waxa ayna sheegeen in amaanka deegaanada Tikreega joogaan uu haatan yahay mid aan la isku haleyn karin maadaama labada dhinac ay ku kala suganyihiin ,xoogaga islaamiyiinta ayaa laga yaabaa in ay weeraraan meelaha ay joogaan Itoobiyanaka iyo kuwa dowladda.
Dhinaca kale Ciidankii Itoobiya ee shalay qabsaday magaalada Ceelbarde ayaa qafaashay Haweenay iyo carruur ay dhashay oo ay ka kaxaysteen magaalada, Dadka deegaanka ayaa sheegay in Gacanta ciidanka Tikreega ay ku jirto Haweenaydaasi Muslimadda ah.
Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaadka la socda ayaan la ogayn waxa ay kala kulmi doonaan gobalada Bay iyo Bakool oo ay maamulaan xoogaga Shabaabul Mujaahidiin wilaayaad Islaami ahna ka dhisay.