Shariif Sheekh Axmed oo shalay si daran loogu duqeeyay Garoonka Diyuuradaha magaalada Muqdisho.
Posted by badarone on February 04 2010 00:53:50
Shariif sheekh Axmed oo ah Hogaamiyaha Dowladda KMG ah ayaa mar kale wajahay khatar ay ladamacsanaayeen Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo magaalada Muqdisho iyo gobolo badan oo Somali ah.
Extended News
Shariif sheekh Axmed oo ah Hogaamiyaha Dowladda KMG ah ayaa mar kale wajahay khatar ay ladamacsanaayeen Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo magaalada Muqdisho iyo gobolo badan oo Somali ah.

Shalay gelinkii dambe isagoo kasoo degaya Garoonka Diyuuradaha magaalada Muqdisho ayay xoogaga Islaamiyiinta ah mar qura Madaafiic Hoobiyaal ah ku garaaceen Garoonka Muqdisho waxaana mar qura garoonka lagasoo gelbiyay shariifka.

Madaafiicda oo u muuqday kuwa Bartilmaameed ah ayaa cabsi ku abuuray wafdiga la socday madaxweyne Shariif waloow aan lasoo sheegin dhibaata muuqata oo soo gaartay Shariifka.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku caan baxday in ay weeraro qorshaysan ku qaado madaxda dowlada KMG ah, waxaana la sheegay in maaafiic kale wafdiga shariifka looga daba geeyay xamar Jajab taas oo AMISOM ku qasabtay in ay madaafiic adeegsato.