Shacabka iyo Ganaacsatadda Soomaalida Kenya oo soo dhaweeyay mooshinka ka dhanka ah Xiriir Soomaaliya iyo Kenya.
Posted by badarone on February 04 2010 00:50:31
Shacabka iyo ganaacsatadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka kenya gaar ahaan magaaladda Nairobi ayaa soo dhaweeyay mooshinka qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamanka soomaalida ee ku saabsan dhibaatadda Dowladda Kenya ay ku heyso dadka soomaaliyeed ee ka cararay dhibaatadda ka jirta dalkooda.
Extended News

Shacabka iyo ganaacsatadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka kenya gaar ahaan magaaladda Nairobi ayaa soo dhaweeyay mooshinka qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamanka soomaalida ee ku saabsan dhibaatadda Dowladda Kenya ay ku heyso dadka soomaaliyeed ee ka cararay dhibaatadda ka jirta dalkooda.

Soomaalida kenya ku nool ayaa ku tilmaamay mooshinkaasi mid lagula xisaabtamaya dowladda Kenya dhibaatooyinka ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed oo si bareer ah ugu tumatay xuquuqdooda iyo sharaftooda.

Qaar ka mid ah shacabka kenya oo u waramayay shabakadda Mudugnet ayaa sheegay in go'aankan ay qaateen mudanayaasha baarlamanka Soomaalida uu yahay mid dhabaha u xaaraya ilaalinta sharafta muwaadiniinta soomaalida oo dhibaatoo aan xad lahayn ku haya ciidamada Booliska Kenya.

Mohamed C/rahman Ali oo ka mid ah ganacsatadda Soomaalida kenya ayaa ku tilmaamay Booliska Kenya kuwa cadaawad iyo midab takoor gaar ah ku haya jaaliyada Somalida,iyadoo wadanka ay ku nool yihiin jaaliyado kale balse soomaalida ay noqotay bartilaameed ay beegsadaan dadka Somalida oo kaliya.

Waxaan aan uga bixi karnaa dhibaatadda nagu haysato kenya in aan dalkeena hooyo dib ugu laabano oo hantideen aan ka qaadano kenya. sidaasna waxaa yiri mohamed C/rahman Ali.

Mohamed waxa uu intaasi ku daray iney soo dhaweynayaan mooshinka qaar ka mid ah xubnaha baarlamanka soomaaliya oo ku saabsan in dowlada soomaaliya ay ka fiirsato xiriirka iskaashi ay la leedahay Dowladda kenya maadaama CiidamadaKenya dhibaato ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed.
Mohamed A/rahman ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kooxaha Mucaaradka ka soo horjeeda iney khilaafkooda ku xaliyaan wada hadal isla markaana si deg deg ah u joojiyaan colaada iyo dagaalada aan xadka lahayn,si buu yiri Somalida ku dacdareysan Kenya ugu suurta gasho iney dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Dareenkan soomaaliya ku nool kenya ayaa soo baxay ka dib markii maanta in ka badan 40 mudane oo ka tirsan baarlamanka soomaaliya magaalada Muqdisho ka soo saareen mooshin ka kooban 8 qodob oo ka dhan ah xiriirka Dowladda Kenya iyo Soomaaliya.
Qodobadda Mooshinka waxaa ka mid ah:-

-In dowalada KMG Soomaaliya ay ka fiirsato xiriirka siyaasadeed iyo iskaashi ay leedahay Dowladda Kenya.

-In Xafiisyadda hay'adaha Qarmada Midoobay ee ka shaqeeya Soomaaliya loo soo wareejiyo dalka Djabouti iyo kuwa kale ee dariska la ah Soomaaliya.

-In gabi ahaanba la joojiyo ganaacsiga Sunta cagaaran(Qaadka) laga soo dhoofiyo Kenya ee la geeyo Soomaaliya.

-In Shirarka iyo Siminaaradda Soomaalida lagu qaban jiray Kenya loo wareejiyo wadamada Djabouti,Ethiopia iyo Uganda.

Caradda iyo qeylo dhaanta ka soo yeerta mudanayaasha soomaamliya ayaa timid ka markii Dowladda Kenya ay qaaday talaabo lagu raafaayo shacabka iyo mas'uuliyiinta Dowladda KMG ee ku nool dalka Kenya wixii ka dambeeyay Rabshadihii ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ku dhinteen dad badan oo mudaaharaad rabshado wata ka sameeyay Magaalada Nairobi horaantii Bishii janaayo ee sanadkan.