Kenya oo Ciidan Badan soo dhoobtay Xad Beenaadka ay lawadaagto Somalia.
Posted by badarone on February 04 2010 00:44:19
Saraakiisha amaanka wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo iyo qalab Milatari oo dheeraadka ah geeyeen xuduuda kenya iyo soomaaliya ,ka dib markii ay heleen xogo sheegaya in Dowladda KMG soomaaliya ay talo jirto weeraro ka dhan kooxaha Mucaaradka ka soo horjeeda.
Extended News

Warbaabhinta Kenya oo soo xigatay saraakiisha amaanka ayaa sheegay in sababta loo adkeeya amaanka xuduuda tahay si loola socodo dhaqdhaqaaqa xadka labada dal ay wadaagaan,isla markaana looga feejignaado in dagaaladaasi ay saameeyeen ku yeeshaan dhinaca dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa cabsi dhinaca Amaanka ah ka muujisay dhinaca Kooxaha islaamiyiinta soomaalida oo kenya ku Edeeyay in Xeryo lagu tababaro ciidamada dowladda Kmg soomaaliya laga furay Gudaha Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay iney qaadeyso guluf dagaal oo ka dhan ah Islaamiyiinta ka soo horjeeda,iyadoo inta badan goboladda dalka ay ka maamulaan Mucaaradka,halka dowladda ay ka taliso qeybo yar oo Ka tirsan caasimadda.