Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumada Eritera Cismaan Saalax oo ka mid ahaa Wasiiro Arrimo dibadeedkii kullanka ku yeeshay magaalada Kampala ee Dalka Ugandha ayaa sheegay xalka Soomaaliya in aanu ku jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyo Soomaaliya.
Xukuumada Eritera waxay sheegtay in loo baahan yahay Soomaaliya in laga daayo faragelinta shisheeye ee lagu hayo, isla markaana dowladda kMG ee Soomaaliya ee uu hogaamiyo sheekh Shariif Sheekh Axmed wada hadal la furto Xarakada Alshabaab oo dagaalo kula jirta dowladdiisa.
“Xal uma ahan Soomaaliya in la geeyo Ciidamo dheeraad ah ama lagu siihayo kuwa hadda ka socda Midowga Afrika, xalka Soomaaliya waxa uu ku jiraa in dowladdu wada hadal la furato Xarakada Alshabaab si looga gudbo dagaalo dhiig shacab ku daato” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumada Eritrea Cismaan Saalax.
Hadalkan ayaa imaanaya xili Madaxda Midowga Afrika kullan uga furmaya Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha ku go’aaminayaan in Soomaaliya si deg deg ah loo geeyo Ciidamo fara badan oo ka socda dalalka Dariska la ah Soomaaliya iyo kuwa aan la dariska ahayn si loo xaqiijiyo Amaanka Soomaaliya oo faraha ka sii baxay wixii ka danbeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
The foot department maintains warmth, may promote the blood circulation. Because the foot is far away from the heart, the blood supplies few, and the superficial fat is thin, the insulating power is b
adf
sadf