Navigation
Home
Quraan
Muxaadaro
Chat
Contact Us
Photo Gallery
Search
Users Online
Guests Online: 6

Members Online: 0

Total Members: 59
Newest Member: esporol

Christmas mase Crimes?!. (MAQAAL QIIMO).
Posted by badarone on December 29 2009 22:57:55
Maalmahan waxaa caalamka dunida kirishtaanka looga dabbaaldagayey ciidda christmaska oo ku aaddan (siday qabaan) taariikhdii uu dhashay nabi Ciisse- nabad galyo iyo naxariis kor kiissa ha ahaatee.

Ma ahan taariikh la isku raacsanyahay inuu dhashay 25 December, xittaa kaniisado ama madaahib kirishtaanka ka mid ah ayaa ka soo horjeedaa fikradda qabta in uu taariikhdaas dhashay nabi Ciisse.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha iyo habeennada loo dabbaaldagayo ciidda Kirismisku waa habeennada ugu dambiga badan dhammaan habeennada iyo maalmaha Sannadka. Dilka, Cabista khamriga, Tumashada, Kufsiga iyo Shilalka baabuurtu waa xad dhaaf. Magaalooyinka qaar, waqtiyada qaarkood amniga ayaa khalkhal ku yimaadaa.

Magaalada aan ku noolahay waxay kamid tahay caasimadaha dunida ugu xassilloon, xagga nabadgalyada, habeenkii christmaska waxaa ku dhimatay (inta policeku xaqiijeen) 37 qof oo la laayey. Shilalka baabuurtu xadka ayay ka bexeen sababtoo ah cabista khamriga ayaa torobbo noqotay.

Waxaa cajiib ah dambiyada iyo xumaanta faraha badan ee habeenka Kirismiska dhexdiisa la sameeyo waa mid si toos ah uga hor imaanaysa diinta Nasaarada iyo Munaasabadda loo dabbaaldagayaba.

Dad kirishtaan ah oo aan lahadlay waxay ii sheegeen siday uga xun yihiin in ciiddii Kirismiska ee muqaddaska ahayd loo baddalay Crimes/dambiyo iyo xumaan fara-badan, dadka qaarkoodna waxayba ii sheegeen inaysan ciiddan ku sugnayn diintooda, waxa dhacayana ay ka dhalatay kaddib markii lala yimid wax aan diinta Nasaaradu aqoon.

Dadka muslimiinta ah waa ka xaaraan inay muujiyaan wax dareen farxadeed ama isu hambalyayn ah oo ku aaddan ciidda Kirismiska.
Dhibaatada ciidda Kirismisku way saamaysay Muslimiinta ku nool dunida kirishtaanka.

Muslimiinta qaarkood ayaa sidan oo kale ugu dabbaal-daga dhalashadii Nabi Muxammed (Naxariis iyo Nabad galyo Allaah kor-kiissa ha yeelee), sidoo kale, ciiddanna taariikhda ay dadka qaarkood u dabbaal-dagaan ma ahan mid la isku raacsanyahay inay ku aaddantahay dhalashadii Nabid Muxammed, haddii la isku raaci lahaa taariikhda uu dhashay nabi Muxamed –N.N.K.H-sunnadiisa kuma sugna in loo dabbaaldago dhalashadiisa.

Dadka u dabbaal-daga ciidda dhalashada Nabi Muxammed (mowlidka nabiga) waxay kala mid yihiin kuwa u dabbaal-dagaya ciidda Kirismiska, israafka xoolaha, bidcada ama wax aan Diintii Anbiyada ku sugnayn oo lasameeyo, soo-jeedka ama dhafarka habeenka badankiissa, fasaxa shaqooyinka iyo goobaha wax-barashada iyo baryada ama weyneynta xad-dhaafka ah ee ay ku sameeyaan anbiyada ilaahay ee Ciisse iyo Muxammed (labadoodaba naxariis iyo nabad galyo Allaah kor-kooda ha yeelee).

Comments
#1 | zhuzhu on August 29 2010 23:54:51
e reputation is so f discount tiffanY e reputation is so f knockoff links of lonDon e reputation is so f cheap jewelry stores e reputation is so f repliCa gucci sale e reputation is so f cheAp gucci online sale
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shoutbox
You must login to post a message.

06/09/2010 18:58

04/09/2010 15:02
hiii

02/09/2010 04:01
The foot department maintains warmth, may promote the blood circulation. Because the foot is far away from the heart, the blood supplies few, and the superficial fat is thin, the insulating power is b

28/08/2010 10:59

28/08/2010 10:59

28/08/2010 10:58

28/08/2010 10:58

28/08/2010 10:58

28/08/2010 10:57

28/08/2010 10:57