Maamulka Islaamiga Deegaanka Farsooleey Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo gaba gabeeyay Kacdoon ay sameeyeen Maleeshiyo deegaanka ah oo ka gadooday bixinta Xoolaha Zakada oo ay Islaamiyiintu ka qaadayaan dadka xoolaha leh ee Sh/Hoose.
Gudoomiyaha deegaanka Farsoolee Sheekh Maxemed Nuur ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ay ka taqaluseen Maleeshiyaadkaasi Zaka diidka ah ee maalmihii lasoo dhaafay dagaalada kula jiray Ciidamada Maamulka Islaamiga Xisbul Islaam.
Sheekh Max'med wuxuu sheegay in ay soo qab qabteen qaar katirsan Maleshiyaadkii Zaka diidka ahaa qaar kalane ay Hubkii ay wateen ku Tuureen dhulka Howdka ah kadibna ay baxsadeen taasina ay muujinayso in Maleeshiyada Zaka diidka ah ay jabeen.
Gudoomiyaha ayaa abaabulka Maleeshiyadan Zaka diidka ah ku Eedeeyay Dowladda KMG ah ee shariif Hogaamiyo "Cadaw ayay ahaayeen Maleeshiyadaasi waxaa soo abaabulay kooxda shariifka, Maanicul Zakaat bay ahaayeen Mujaahidiinta ayaa soo afjaray Shartoodii"ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbul Islaam Farsooleey.
The foot department maintains warmth, may promote the blood circulation. Because the foot is far away from the heart, the blood supplies few, and the superficial fat is thin, the insulating power is b