Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa shaaca ka qaaday in Dad Cadaw ku ah Shacabka Soomaaliyeed ay isku dayayeen in ay Gubaan ganacsiga xoogan ee yaala gudaha suuqa Bakaaraha.
Waaliga Xarakada Shabaabul Mujaahidiin u qaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo shir Jaraa'id ku qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay gubashadii ka dhacday suuqaasi Bakaaraha.
Al Shabaab waxay sheegtay in ay gacanta kusoo dhigeen dad doonayay in ay Dab ku qabtaan qaybo kale oo katirsan Suuqa bakaaraha dhawaana Maxkamad lasoo taagi doono.
Sheekh Cali Max'med Xuseen wuxuu ugu baaqay ganacsatada Suuqyada waaweyn in ay xil iska saaraan sidii ay suuqyada uga furi lahaayeen Jidad si ay Gurmadka ugu suura gasho in ay soo galaan gudaha Suuqa.
Gaadiidka Booyadaha ee Bulaacadaha Biyaha ah tuuray ayay ku adkaatay in ay gudaha ugalaan gudaha suuqa si ay qayb uga qaataan Deminta Dabkii xalay halkaasi ka kacayay.
Ilaa iyo Hadda majirto cid si rasmiya loogu Eedeeyay inay Mas'uul ka ahayd gubashadii ka dhacday Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho oo Hanti badani ku Burburtay
The foot department maintains warmth, may promote the blood circulation. Because the foot is far away from the heart, the blood supplies few, and the superficial fat is thin, the insulating power is b