waxaa xalay abaarihii 2-dii fiidnimo oo daqiiqado ay dhimanyihiin uu dab xoogan ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan qeybta shidaalka.
Dabka oo aad u xooganaa ayaa waxaa holociisa laga arkayay xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana durbadiiba dadku ay bilaabeen in ay soo aadaan dhanka iyo Bakaaraha si ay uga qeyb qaataan daminta dabkan oo ay ku baa’ba’day hantida ganacsato Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale goobta uu dabka kacay ee Bakaaraha soo gaaray ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Ururka xisbul islaam kuwaasi oo u istaagay amaanka hantida taala suuqa bakaaraha.
Dabka oo socday qiyaastii 4 saac oo xiriir ah ayaa waxaa ku gubtay hanta u badan Shidaal oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo xalay saacada gudahood ku waayay Maalkooda.
Intii uu dabkan socday ayaa waxaa idaacadda Al-furqaan ka baxay barnaamish gaar ah oo dhageystayaasha idaacadda loogu tabinayay sida xaalka uu yahay , waxaana goobta uu dabka ka kacay gaaray qaar kamid ah wariyayaasha idaacadda Al-furqaan oo dhageystayaasha idaacadda u soo gudbinayay daqiiqadba tan ka dambeysa sida ay wax u dhacayaan.
Waxaa dhinaca kale dabka xalay ka kacay qeybta shidaalka ee Suuqa Bakaaraha ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab , ganacsato, Culimaa’udiin iyo qaar kamid ah dadkii ay hantidooda kaga gubatay dabka.
Waaliga Wilaayada gobolka Banaadir ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo la hadlay idaacadda Al-furqaan xilligii uu dabka socday ayaa ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha in ay gar gaaraan dadka ay hantida ka gubatay, waxaana dhinaca kale uu sheegay in ay dhankooda kaalin ka qaadanayaan sidii ay u sugi lahaayeen amaanka Suuqa.
Sheekh C/fitaax Awees ABuu Xamza oo isna xalay u waramay warbaahinta ayaa sheegay in dabka uu yahay Musiibo ka dhalatay dunuub ay dadka galeen hase ahaatee loo baahanyahay in lagu sabro.
Waxaa sidoo kale idaacada Al-furqaan u waramay qaar kamid ah ganacsatadii uu dabka ka baa’bi’iyay hantidooda, waxaana ay sheegeen in ay aad uga xunyihiin Musiibada ka dhacday.
Lama ogo inta uu gaarsiisanyahay qasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dabkii xalay, laakiin waxaa arintan soo gudbin doono gudi ganacsato ah oo baaraya qasaaraha halkaasi ka dhashay.
Ma ahan markii ugu horeysay oo dab uu ka kaco Suuqa Bakaaraha, waxaana dhowr jeer ooh ore uu dab qabsaday suuqa bakaaraha.
The foot department maintains warmth, may promote the blood circulation. Because the foot is far away from the heart, the blood supplies few, and the superficial fat is thin, the insulating power is b