Guests Online: 6
Members Online: 0
Total Members: 59
Newest Member: esporol
|
|

| Xarakada Mujaahidiinta Daalibaan oo ka sheekaysay qaabkii ay Ciidankeedu ku galeen Magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan. | |
Posted by badarone on January 21 2010 04:04:05
Xarakadda Islaamiga ah ee Daalibaan ayaa Galabnimadii Isniinta Soo saartay Bayaan ay kaga warbixinayso Weeraraddii is-daba jooga ahaa ee Gil-gilay Caasimada Afqaanistaan ee Kaabuul, waxayna sheegtay inay ku waxyeelaysay 53 isugu jira Canaasir ka mid ah Booliiska iyo Milatariga Xukuumada Maqaar-saarka ee Xamiid Karazaay.
Yaa Fuliyay Howl-galka?
Bayaan ay Xarakadda Daalibaan ku Faafisay Websit-keeda ayay ku sheegtay “3 Majmuuco oo Istish-haadiyiin ah oo hoos taga Imaaradda Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa Gudo galay inay ka Fuliyaan Weeraro Naf-hurnimo ah saacadu markay ahayd 09:45 Subaxnimo ee Isniintii (18/01/2010) Bartamaha Caasimada Kaabuul”.
Ciidamadu Maxay ku Hubaysnaayeen?
Bayaanku wuxuu intaa ku daray “Majmuucooyinku waxay ku Hubaysnaayeen Gantaalada RBG-ga, Qoryaha Darandooriga u dhaca, AK47, Madaafiicda Xambaarkoodu Fududyahay iyo Bambooyinka Gacanta laga Tuuro”.
Yoolka Weeraradda
Bayaanka waxaa lagu xusay Goobaha lala beegsanayay Weerarada “Weeraradu waxay ku Beegnaayeen, Aqalka Madaxtooyadda (ARG) iyo Goobaha ku hareeraysan, Dhismayaasha Wasaaradaha Macdanta, Cadaaladda, Maaliyadda, iyo Xarunta Madaxda Maamulka Arimaha Dowlada, Bangiga Afqaanistaan, Hotelka Siirina”.
Sidoo kale waxaa Bayaanka lagu Qeexay sida uu weeraradu u dhaceen “Weerarka waxaa Bilaabay Al-Xaafid Hamaayuun oo ah Ninka ku Fuliyay Qaraxa Istish-haadiga ah Al-Baabka Koonfureed ee Aqalka Madaxtooyadda ee ka soo horjeeda Isgoyska Pushtunistan Watt”. Kaas oo sababay inay ku dhintaan kuna dhaawacmaan Tiro ka mid ah Ilaaladii Madaxtooyadda.
Maxaa intaasi ku xigay? “Majmuucaddii ugu horeysay oo ka koobnayd 5 Xubnood oo uu hogaaminayay Mulla Maxamed Cali ayaa weeraray Dhismaha Wasaaradda Isgaarsiinta Al-Kaa’in ee u dhaw Hotelka Kaabul siriina, ka dib markii la laayay ilaaladii Dhismaha waxay Qabsadeen Dhismihii, waxayna Majmuucadaasi uga sii gudbeen inay weeraraan Aqalka Madaxtooyadda iyo Wasaaradaha Macdanta, Cadaalada, Maaliyadda iyo Xarunta Madaxda Maamulka Dowlada, Bangiga Afqaanistaan iyo Hotelka Siiriina”.
Bayaanku wuxuu intaa ku daray “Majmucadii Labaad oo iyada ka koobnayd 4 Mujaahid oo uu hogaaminayo Mulla Muusa ayaa gudo galay inay weeraraan Goobta la yiraahdo “Ariina” waxayna ka dib Dagaal ka fool ka fool ahi ku qaadeen Dhismayaasha Maaliyadda, Macaadinta, Xarunta Madaxda Maamulka Dowlada”.
Majmuucadda Saddexaad oo uu Hogaaminayo Mulla Sayfullaah ayaa iyaguna Xoog ku qabsaday Dhismo u dhaw Shaneemadda “Ariina”, Halkaasi ayayna Majmuucadani weerarkooda ka bilaabeen illaa ay markii danbe weerar ku ekeeyeen Dhismayaasha Wasaaradaha Macaadinta,Cadaaladda, Maaliyadda iyo Xarunta Madaxda Maamulka Dowlada.
Weerarka Is-Qarxinta ah sidee u dhacay?
Xarakadda Daalibaan waxay sidoo kale Bayaankeeda kaga warbixisay Fal Istish-haadi ah oo ka dhacay Isgoyska Malik Asfar, “Ka dib markii ay Bilowdeen Howl-galadii isla markaana ay socdeen Hal Saac iyo Bar, ayuu Mujaahidka Halyeeyga ahi Xaaji Mascuud uu Fuliyay Weerar Istish-haadi ah oo loo adeegsaday Baabuur Anbalas ah oo Miinaysan, kaas oo ka dhacay Isgoyska Malik Asfar oo u dhaw Xarunta Kalbahaar Santar ee ganacsiga, waxaana lala beegsaday Hogaankii Ciidamo Marayay Wadada oo u socday Goobaha ay Dagaaladu ka socdaan, waxaana ku dhintay Qaraxaasi Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidamadaasi”.
Bayaanku wuxuu intaa raaciyay “ka dib waxaa xigay Weeraro kale oo loo adeegsaday Bambooyinka Gacanta laga tuuro oo ka dhacay Wadada Weyn ee u dhaw Shaneemadda Bamyar, waxaana lala beegsaday Kolonyo Ciidamada Amaanka ah oo u soo Ordeysay Goobaha ay Weeraradu ka socdeen”.
Khasaaraha
Bayaanka Daalibaan waxay ku sheegtay inay 31 ka mid ah Canaasirta Ciidamada Amaanka Xukuumadda iyo Ciidamada Milatariga ay ku noqdeen Barxadda Hore ee Madaxtooyada Wax dhintay iyo Wax Dhaawacmay.
Falka is-qarxinta ahaa ee loo adeegsaday Baabuurka Anbalasta waxaa uu dhaawac iyo Dhimasho ka soo gaaray 22 ka mid ah Canaasirta Ciidamada Amaanka.
Sidoo kale Bayaanka waxaa lagu sheegay inay Khasaare xoogan Gaarsiiyeen Dhismayaasha Wasaaradihii ay weerareen, waxayna Daalibaan xustay inay Dib ka soo sheegi doonta Baaxadda Khasaarahooda.
Sidoo kale waxaa How-galkaasi ku Gubtay Tiro ka mid ah Gaadiidkii kala duwanaa ee Ciidamada Amaanka iyo kuwa Madaxda Xukuumada Xamiid Karazaay.
Baayaanka ayaa lagu yiri “Waxa lagu Magacaabo Wasaaradda Gaashaandhiga ee Kaabul waxay Qiratay inay ka dhinteen oo kaliya 27 Askari”.
Daalibaan Maxaa Gaaray?
Xarakadda Daalibaan waxay Bayaankeeda ku qiratay inay Howlgalkaasi Qorshaysnaa uga Shahiideen 7 ka mid ah Dagaalyahanadeedii ka koobnaa 20 Askari ee xoog ku galay Caasimada, waxayna Xaqiijisay “Intii soo hartay waxay Dib ugu soo Noqdeen iyaga oo Bad-qaba Xarumahoodii sidii Qorshaha iyo Taaktikadii horey loo diyaariyay ahayd”.
Isku soo Duuboo Dagaala ay Xarakadda Daalibaan ku qaaday Caasimada Afqaanistaan ee Kaabuul waxaa lagu tilmaamay midkii ugu adkaa Mudo Sanad ah oo ka dhaca Caasimada.
Dadka Maraan mara Arinta Afqaanistaan waxay ku tilmaameen Weerarkaasi mid Muujinaya inay Daalibaan Badashay Istiraatiijiyadeeda Dagaal isla markaana ay Horumarisay.
Weerarkan ayaa Fariin Cad u ah sida Xukuumadda Cusub ee Xamiid Karazaay dhisay ay u tahay mid ka daciifsan kuwii hore.
|
| Comments |
#1 |
on August 30 2010 02:13:26
|
| Post Comment |
|
Please Login to Post a Comment.
|
| Ratings |
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|
|
Not a member yet? Click here to register.
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|
You must login to post a message.
|
|